1191 Views

Shaqaalihii dhismaha Golaha deegaanka oo isaga baxay Buulo-Burde

Shaqaalihii dhismaha Golaha deegaanka oo isaga baxay Buulo-Burde
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October16–2019 —Wararka Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in dhamaan degmadaasi isaga baxeen Shaqaalihii ku howlanaa dhismaha Golaha deegaanka.

 

Qaar kamid ah dadka degmada ayaa xaqiijiyey tallaabadaasi,iyaga oo sheegay in mudo laba maalin ah ay dadka deegaanka tababar la xiriira dhismaha Golaha deegaanka u qabteen.

 

In kastoo aan sirasmi ah loo cadeyn sababta keentay inay isaga baxaan Buulo-Burde ayaa waxaa jira khilaaf maalmahaan ka taagnaa dhismaha golaha deegaanka oo badi ay kasoo horjeesteen waxgaradka & Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabeelle.

 

Waxaa kaloo xusid mudan in weli degmada Buulo-Burde ay ka jirto xiisadii ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyey Guddoomiyaha degmadaas iyo duqa Magaalada,kuwaas oo aan weli xilka wareejin, iyaga oo shuruud ku xiray.

 

Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Buulo-Burte  oo dhowr jeer Warbaahinta la hadlay waxaa ay kasoo horjeesteen dhismaha golaha degaanka, iyaga oo  u sababeeyey in amnidarro ay ka jirto degaanada Hir-Shabeelle,isla markaana  aysan xiligaan ku habooneyn in laga dhiso gole deegaan.

 

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo dhankiisa Warbaahinta la hadlay ayaa wacad ku maray inay gole deegaan u sameyn doonaan Buulo-Burde.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment