1143 Views

Geelle “Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala Geyn karta ama kala fogayn kartaa ma jirto”

Geelle “Soomaaliya iyo Jabuuti cid kala Geyn  karta ama kala fogayn kartaa  ma jirto”
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, isagoo markii ugu horreysay ka jawaabay dhaleeceyn uga timid dhinaca xkuumadda federaalka Somaaliya.

Dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay, waxaa mar kale cirka isku shareeray xiisadda sii xumeyneysay xiriirka labada dal, kaddib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay dalka dariska la ah ee Kenya ku eedeysay in ay farogalin ku heyso arrimaheeda gaarka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kneyatta ayaa bishii December isku arkay shirkii IGAD ee ka dhacay dalka Jabuuti, inkastoo ay wehlinayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

about:blank Sidoo kale Jabuuti ayaa xilligaas loo xil saaray in ay dadaal u sameyso sidii loo dajin lahaa xiisadda heerka sare joogtay ee labada dal, islamarkiina waxay Jabuuti sameysay guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baara tabashooyinka ay Soomaaliya qabtay.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo BBC-da wareysi siiyay ayaa markii ugu horreysay tan iyo xilligaas ka hadlay xasaradda labada wadan.

Geelle ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la hagaajiyo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi

“Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya way ku khasban yihiin in ay wadashaqeeyaan, in ay xiriir fiican yeeshaan, in ay is isxtiraamaan, dadku ay wax wada qabsadaan,” ayuu yidhi isagoo si adag u hadlayay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post