612 Views

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay magaalada  Baydhabo
____________________________________________________________________________


arbaco: January 19, 2022

Doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Doorashada oo ka qabsoontay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa waxaa goob joog ka ahaa kormeerayaal caalami ah, wakiilo ka socday guddiyada doorashooyinka, waxaana maanta halkaasi lagu soo doortay shan Xildhibaan.

Xubnaha kuraasta Golaha Shacabka ee maanta ku guuleystay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa horey kuraasta beelahooda ku matalayay oo dib markale loo doortay iyo qaar kale oo cusub oo ku soo baxay doorashada maanta.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Nuuradiin Ibraahim ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shan kursi ay qabteen maanta, isla markaana si guul ah ay ugu soo dhamaatay doorashada.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha Janaayo 2022, waxaa inoo qabsoomay doorashadii Golaha Shacabka, shan kursi oo ka mid ah 11-ka kursi ee aan shaacinay, shanta kursi waxa ay kala ahaayeen kuraastooda Hope#176, Hope#184, Hope#85, Hope#46 iyo Hope#156”. Ayuu yiri Nuuradiin.

  1. Xasa Cabdinuur ayaa ku guuleystay kursiga koowaad ee tartankii maanta Hope#184, kaasi oo horey uga tirsanaa Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya.
  2. Shariif Maxamed Cabdullaahi ayaa isna ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hope#85, kaas oo markale dib loogu doortay Xilka Xildhibaannimada.
  3. Maxamed Wardheere Cabdi ayaa ku soo baxay kursiga sumadiisa yahay Hope#46,
  4. Maxamed Aadan Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa yahay Hope#156 iyo
  5. Maxamed Mursal Maxamuud ayaa isna ku soo baxay kursiga sumadiisu yahay Hope#176

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa xusay in todobaadka soo socda ay shaacin doonaan waqtiga la qabanayo lix kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Soomaliya.

Horey waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah lagu soo doortay 11 kursi, waxaana tirada guud ee Baydhabo laga soo doortay ay gaareysaa 16-Xildhibaan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post