213 Views

Safiirka Soomaaliya Ee Suudaan Oo La Kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Dalkaas

Safiirka Soomaaliya Ee Suudaan Oo La Kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Dalkaas
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed Sheekh Isaaq  ayaa maanta la kulmey Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Suudaan Gen. Yaasiin Ibrahim Yaasiin Abdulhadi.

Kulankan oo ahaa mid mirodhal ah ayaa lagu xoojinayay xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya labada dowladoo,  waxaana looga hadley sidii ay isaga kaashanlahaayeen arimo kaladuwan ee kusaabsan danaha labada dawladood ee walaalaha ah gaar ahaan la degaalanka Argigixisada.

Dhinaca kale Danjire Maxamed Sheekh Isaaq oo saxaafada lahadlayay kulanka kadib ayaa sheegey in dawlada Suudaan uu uga warbixiyay talaabooyinka ay qaadey Xukuumadda cusub ee ku aadan horumarka dalka iyo kacdoonka Shacabka oo looga xureeynayo dalka cadowga Ummadda Soomaaliyeed, kaas oo ka bilowday dhamaan gobalada dalka Soomaaliya, iyo baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaan in aan lookala harin  degaalka ururka argigisada ee Al-Shabaab.

Ugu danbeeyntii Danjiraha wuxuu xusey in sidoo kale kulanka lagu dardar gelinayay  siyaasadda cusub ee Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo degaalka lagula jiro kooxda Argagixisada ee Al-Shabaab. Wuxuuna gondhig u ahaa iskuxirka iyo wadashaqeeynta Wasaaradda gaashaandhiga Somaaliya iyo Wasaaradda gaashaandhiga ee Suudaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post