975 Views

Axmed Madoobe oo sheegay in dalka ka dhici karin doorasho qof & Cod ah

Axmed Madoobe oo sheegay in dalka ka dhici karin doorasho qof & Cod ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 17, 2019 | QOL |   –Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo Kismaayo kulan kula qaatay wafdi ka socday Beesha Caalamka ayaa sheegay in Dastuurka dalka ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka.

 

Waxaa uu sheegay in qaabka hadda ay u socoto dib u eegista Dastuurka aysan  ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qayb-galin xubnahii Dowlad Goboleedyadu ay xaqa u lahayeen.

 

 

 

Arimaha Doorashooyinka 2020 ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici Karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah Dhamaystirka Dastuurka Arimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in arrimahaas oo dhan  aan wali wax wanaagsna laga qaban oo saamaxaya in dadku ay codeeyaan iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment