774 Views

Siyaasi u dhashay Canada oo raali-gelin bixiyay kadib markii isagoo qaawan uu ka soo muuqday kulan Zoom-ka

Siyaasi u dhashay Canada oo  raali-gelin bixiyay kadib markii isagoo qaawan uu ka soo muuqday kulan Zoom-ka
____________________________________________________________________________

April 16-4-2021

William Amos, oo laga soo doorto degmada Pontiac ee gobolka Quebec ayaa qoraal uu shaaciyay Arbacadii ku sheegay in “dhacdadaas ay yahay khalad nasiib darro ah”.

“Kaamerada ayaa si lama filaan ah u shidmay xilli aan iska bedalayay dhar aan ku orday, oo aan xiranayay dharka shaqada,” ayuu yiri siyaasi William Amos.

Sawirro laga qaaday muuqaalka oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Amos oo telefoon ku haya cawradiisa.

Siyaasiga ayaa la arkayay isaga oo taagan gadaasha kursi u dhaw miis ay geesaha ka yaallaan calamada gobolka Quebec iyo kan dalka Canada.

Waxa uu sheegay inuu ka xumaaday dhacdadaas oo uu ku tilmaamay “khalad uusan ula kac u samayn” oo aan mar kale ka dhici doonin.

Waxa uu raali-gelin buuxda siiyay xubnaha baarlamaanka gobolkaas oo uu sheegay in si aan ula kac ahayn uu uga weeciyay hawlahooda.

Xubin ka tirsan xisbiga Bloc Québécois oo lagu magacaabo Claude DeBellefeuille ayaa dhacdaas kadib sheegtay inay muhiim tahay in “xubnaha baarlamaanka, gaar ahaan ragga, la xusuusiyo in ay khasab ku tahay xirashada jaakad iyo garabaati”.

Waxa ay intaa raacisay in loo baahan yahay in xubnaha baarlamaanka ay ka taxaradaan kaamerooyinka, si aanay ula kulmin weji gabax uga yimaada bulshada.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ku soo badanayay internet-ka tan iyo markii uu xanuunka Covid-19 sababay in dadka ay guryahooda ka soo shaqeeyaan.

BBC

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post