768 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku biiray Shirka musharixiinta uga socdo Muqdisho

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku biiray Shirka musharixiinta uga socdo Muqdisho
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November 23, 2020 –
Waxaa weli Magaalada Muqdisho ka socda Shirka u dhaxeeyay Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo shirkooda uga hadlaya arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya & cabashada ay ka qabaan Guddiyada doorashooyinka.

Maanta oo la filayo in shirka la soo geba-gabeeyo ayaa waxaa ka qeyb-galkiisa ku biiray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo muddooyinkii u dambeeyay dhaliilsanaa hoggaanka sare ee dalka & Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxaed Cabdi Xayir Maareeye.

Cabdi Xaashi ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa uu soo saaraya qoraalo isdab-joog ah oo isugu jiray kuwo uu uga soo horjeeday Guddiyada doorashooyinka ee uu Magacaabay RW Rooble & kuwo uu ku magacaabayay Guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa kulanka musharixiinta kusoo bandhigay aragtidiisa ku aadan hanaanka lagu wado doorashooyinka, isaga oo markale ku celiyay in guddiyada doorashooyinka  badi laga soo xulay Taliska NISA & Shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayay in la soo geba-gabeeyo shirka Musharixiinta Madaxweynaha,balse warar soo baxay ayaa waxaa ay sheegayaan in waqti dheeraad ah lagu daray maadaama Xubno uu kamid yahay Guddoomiyaha Aqalka sare ay ku biireen Shirka, sidoo kalena la filayo inay ku biiraan Xubno kale oo mucaarad ah oo ay musharixiinta dalbadeen.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post