381 Views

Labo weeraryahan oo ka tagay Manchester United oo sanadkan isku fara saari doona Sacuudiga dhexdiisa

Labo weeraryahan oo ka tagay Manchester United oo sanadkan isku fara saari doona Sacuudiga dhexdiisa
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 5 2023



Horyaalka Waddanka Sacuudiga ayaa soo jiitay indhaha taageerayaasha kubbadda cagta ee caalamka ka dib markii uu ku biiray mid ka mid ah laacibiinta ugu wanaagsan ee soo maray taariikhda kubbadda cagta, Cristiano Ronaldo.

Weeraryahanka u dhashay Boortaqiiska ayaa xalay lagu soo dhaweeyay garoonka kooxda Al-Nassr FC oo dhawaan la saxiixatay heshiis taariikhi ah.

Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahanka mushaar ahaan u heli doona lacagtii ugu badneyd abid ee lagu qaato ciyaarta Kubbadda, isagoo sanadkiiba ay usoo xaroon doonto lacag dhan labo boqol oo milyan oo euro. Ma jiro ciyaartoy horay u helay lacag intaas la eg ama xitaa u dhow.

Marka laga soo tago xiisaha uu Ronaldo u yeeli doono horyaalka Sacuudiga wxaa kale oo hubaal ah in uu jiri doono loollan xoog leh oo uu la gali doono laacibiin hore oo kusii sugayay horyaalka boqortooyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post