951 Views

Rooble oo shir guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada oo ka warbixiyay doorashada Aqalka Sare, iyo go’aanka khilaafka guddiga Somaliland.

Rooble oo  shir guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada oo ka  warbixiyay doorashada Aqalka Sare, iyo  go’aanka  khilaafka guddiga  Somaliland.
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 5, 202

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxa uu uga warbixiyay golaha doorashada Aqalka Sare, isagoona siiyey go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha u sheegay inkastoo uu jiro dib u dhac yar, hadana kulan labo habeen ka hor uu la yeeshay Madasha Qaran ay isku afgarteen inay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare asbuuca soo socda.

Waxa kale oo uu sheegay in kulan ay iskugu imaan doonaan Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran, kadib marka lasoo afmeero doorashada Aqalka Sare, kaasi oo looga arinsan doono sidii horey loogu sii amba-qaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu golaha uga warbixiyay dhex-dhexaaditii uu ka sameeyay khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland, oo ayagu u kala jabay labo garab, islamarkaana uu mid kastaa leeyahay guddoon u gaar ah.

Waxa uu sheegay Rooble in uu waqti badan ku bixiyey sidii uu is-faham uga dhex abuuri lahaa Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, hase yeeshe uu xiligaan go’aansaday in doorashada guddoonka la guda galo, guddiguna uu dhexdiisa is doorto.

Go’aanka uu Rooble ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa qaadacay garabka Cabdi Xaashi oo u arka mid uu Ra’iisul wasaaraha ugu xaglinayo dhinaca Mahdi Guuleed, waxayna arrintaan mugdi hor leh galin kartaa doorashada kuraasta gobolada Waqooyi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post