1002 Views

Dib u dhac ku yimid furitaanka Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada

Dib u dhac ku yimid furitaanka Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 10  2020–Maanta oo Jimco ah ayaa qorsuhu ahaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug uu shir gaar ah uga furmo Madaxda Shanta dowlad Goboleed ee dalka kajira,kaas oo uu marti gelinayo Maamulka Galmudug,hayeeshee waxaa la sheegay in shirkaasi uu dib u dhacay.

Wararka ay Risaala heshay ayaa waxaa ay sheegayaan in sababta uu shirka dib ugu dhacay ay tahay in Madaxda ay isla garteen in Maanta oo Jimce ah ay nastaan,isla markaana Maalinta berito ah uu u furmo shirkooda.

Go’aanka Shirka Magaalada dhuusamareeb ilaa Beri dib loogu dhigay ataa la qaatay kadib markii xalay kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Ka sokor dib u dhigida shirkii gaarka ahaa ee Madaxda Dowlad Goboleedyada ee dibka loo dhigay ayaa waxaa jira kulama gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Xubnaha kale ee la socda kuna sugan Magaalada Dhusamareeb.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post