714 Views

Madaxweynayaasha Ruushka Vladimir Putin, Madaxwayna Mexico, Madaxwaynaha Shiinaha Hogaamiyaha Kuuriyada oo u Hambalyeeynin wali Madaxweyne Joe Biden

Madaxweynayaasha  Ruushka Vladimir Putin, Madaxwayna Mexico, Madaxwaynaha Shiinaha Hogaamiyaha Kuuriyada oo u Hambalyeeynin wali  Madaxweyne Joe Biden
____________________________________________________________________________

Madaxwaynha la doortay ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa tan iyo intii uu guusha ka gaaray doorashada waxaa soo wacayay hogaamiyaal kala duwan oo ugu hambalyaynaya guusha la saadaaliiyay in uu ka soo hoyiyay doorashada.

Balse Mr Biden cid kasta uma hambalyaynayn ee waxaa jiray hogaamiyayaal iyagu la tabayay oo hambalyada ka maqnaa.

Waxaan halkan aan ku soo gudbinaynaa hogaamiyayaal muhiim ahaa oo aan wali Biden hambalyo u soo dirin.

Qaar ka mid ah hogaamiyayaashani ayaa iyagu intaa sii dhaafay oo waxayba u hambalyeeyeen Mr Trump – oo isagu wali diidan in uu qirto in doorashada looga adkaaday.

Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin

Afar sano ka hor waxaa Mr Putin ka mid ahaa hogaamiyayaashii ugu horeeyay ee hambalyo u dira Trump markii uu doorashada ku guuleystay.

Balse ilaa iyo imika Putin uma dirin Taleefoon ama sooma saarin qoraal uu ugu hambalyaynayo Mr biden.

Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin Dmitry Peskov ayaa sheegay in sababta aysan ugu hambalyeyn ay tahay tallaabada dhanka sharciga ah ee ay qaadeen kooxda ololaha doorashada ee Mr Trump taasi oo ay kaga cabanayaan natiijada doorashada.

“Waxaa rumneysanahay in waxa saxda ah ee ay tahay in la sameeyo waa in la sugaa natiijada rasmiga ah ee doorashada,” waxaa uu sidaa u sheegay wariyayaasha.

Balse wariyaha BBC ee Moscow Steve Rosenberg ayaa sheegaya in hambalyo la’aanta Ruushka ay tahay mid muujinaysa in aysan ku faraxsanayn natiijada doorashada.

Mr Biden ayaa waxaa uu si aad ah u dhaliilaa xukuumadda Moscow, islamarkana waxaa uu dhawaan Ruushka ku tilmaamay cadowga ugu way ee Mareykanka leeyahay

Mr Trump ayaa waxaa dhif iyo nadir ah in uu cambaareeyo Ruushka oo lagu eedeeyay inay faragaliyeen doorashadii 2016 si ay Mr Trump gacan uga siiyaan in la doorto.

Ra’isul wasaaraha Slovenia Janez Jansa

Mr Jansa ayaan qarin taageerada uu u hayo Mr Trump,oo xitaa waxaa uu bartisa Tweetar-ka ku soo qoray aRBACADIIfariin hambalyo ah oo uu u dirayo madaxwaynaha xilka haya, xilligaasi oo aan xitaa la dhameyn tirinta codadka.

Tan iyo xiligaasi Mr Jansa waxaa uu ku celcelinayaa in wax isdaba marin ay ka jirtay doorashadii Mareykanka.

Sabtidii , waxaa uu u muuqday nin nabadeed oo waxaa uu sheegay in Mareykanka uu saaxib istaraatijiyadeed la yahay Slovenia, islamarkana xiriirkaasi saaxibtinimo uu sii socon doono cidii doonta madaxwayne ha noqotee.

Balse wali uma uusan hambalyayn Mr Biden.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in xaaska madaxwayne Trump, Melania Trump ay asal ahaan ka soo jeedo dalka Slovenia.

Balse hogaamiyayaal kale oo reer Slovenia ah oo uu ka mid yahay madaxwayne Borut Pahor, ayaa u hambalyeeyay Mr Biden.

Wasiirka arrimaha gudaha Estonia Mart Helme

Mr Helme ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisa Isniintii ka dib markii wiilkiisa oo ah wasiirka maaliyadda Martin Helme, oo Axaddii ka hadlayay idaacad dalkaasi ku taalla uu ku andacooday in khiyaano badan ay ku jirtay doorashadii Mareykanka .

Mr Helme aabihii ayaa sidoo kale marar badan isaga oo cadeyn keenin ku eedeeyay musuqmaasuq Mr Biden iyo wiilkiisa Hunter.

Wiilkiisa ayaa yiri “dhammaan dadka caadiga ah waa in ay ka hadlaan ” been abuurka la sheegay.

Rai’sul wasaare Juri Ratas ayaa dhankeesa cambaareeyay hadalada ka soo yeeray labadan siyaasi islamarkana waxaa uu u hambalyeeyay Mr Biden.

Balse rai’sul wasaaraha ayaan shaqada ka ceyrin masuuliyiintan, waxayna dadka dhaliila ay ku doodeen in uu isku haleynayo taageerada xisbigooda si uu awoodda uu sii hayo.

Mr Helme ayaa sheegay in sababta uu isu casilay ay tahay in “aflagaado uu kala kulmay” warbaahinta dalka Estonia.

Madaxwaynaha Brazil Jair Bolsonaro

Mr Bolsonaro ayaa waxaa lagu tiriyaa in saaxib dhaw uu la yahay Mr Trump, islamarkana waxay Trump isku mowqif ka yihiin arrimo badan .

La yaab ma laha in madaxwaynaha Brazil uusan u hambalyayn Mr Biden.

Waxaa uu sidoo kale u soo talaabay Mr Biden ka dib markii xilligii lagu guda jiray dooddii dorashada uu sheegay in Mareykanka ay tahay in uu Brazil ku cadaadiyo difaacda keynta Amazon, hadalkaasi oo uu Bolsonaro ku tilmaamay “mid musiibo ah islamarkana aan loo baahnayn”.

Warbaahinta dalka Brazil ayaa ilo dhanka dowladda ah ka soo xigatay in Mr Bolsonaro uu sugayo natiijada kiiska uu maxkamadda geeyay Mr Trump.

Madaxwayna Mexico Andrés Manuel López Obrador

Mr López Obrador waa hogaamiya kale oo ka soo jeeda Latin Amerika islamarkana xiriir wanaagsan la leh Mr Trump, iyada oo jirto xiisaddii ka dhalatay darbigii uu Trump sheegay in uu ka dhisayo xudduuda labada dal.

Madaxwaynaha dalka Mexico ayaa sidaasi daraadeed ka taxadaraya doorsahada Mareykanka, waxaa uuna Axaddii sheegay in uu sugayo “dhammaan arrimaha sharciga ” xal laga gaaro.

“Ma dooneyno in aan dabaal noqono, ma doonayno in si sahlan aan tallaabo u qadno,” waxaa uu sidaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay.

Waxaa uu intaa ku daray in Mexico “ay xiriir wanaagsan la leedahay labada musharax-ba”.

Madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping

Madaxwayne Xi ayaa u hambayeeyay Mr Trump maalin ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii 2016.

Balse markan, Shiinaha ayaan wali ka hadlin doorashada Mareykanka iyo natiijadii ka soo baxday.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Wang Wenbin ayaa sheegay in ay ka war dhowrayaan in”hannaanka sharciga Mareykanak la raacay”.

Mr Biden ayaa laga filayaa in tallaabooyiin uu ka qaadayo Shiinaha, ay noqdaan kuwa miisaamin, iyada oo la joogteynayo go’aanada adag .

Mr Trump ayaa si wayn u dhaliila Shiinaha gaar ahaan marka ay timaado feyriska Corona, islamarkana waxaa uu dagaal ganacsi la galay Shiinaha isaga oo canshuura dheeraad ah ku soo rogay.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un

Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Mr Kim, oo ku aadan doorashada Mareykanka, islamarkana Isniintii warbaahinta dowladda xitaa kamaba hadal doorashadii Mareykanka.

Hasa yeeshee, wax hadal ah kama aysan soo saarin guushii Trump 2016 ilaa laga gaarayay maalinkii labaad

Mr Trump iyo Mr Kim ayaa waxaa uu xiriirkooda ahaa mid aan fiicnayn, inkastoo uu sii jiray xiriirkooda, islamarkana saddex kulan oo fool ka fool ah ay yeesheen

Mr Biden, ayaa ku tilmaamay, Mr Kim burcad, waxaa uuna sheegay in uusan doonayn in uu xiriir dublamaasi oo shaqsiyadeed uu la yeesho.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaamay Mr Biden mid “doqon ah oo uu caqligiisu hooseeyo “

Xigasho BBC Somali.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post