1140 Views

ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo goordhow laga soo dajiyay magaaladda Muqdisho

ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo goordhow laga soo dajiyay magaaladda Muqdisho
____________________________________________________________________________

.

Talaado: December 14, 202

Qeybtii ugu horreysay ee ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa goor dhow laga soo dajiyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Doyaarad military oo aan lahayn wax summad ah ama calanka dalka laga leeyahay, ayaa kas oo degtay garoonka diyaaradda Aadan Cabdulle sida saraakiisha garoonka u xaqiijiyeen Mustaqbal Media.

Howl-wadeen ka tirsan garoonka diyaaradaha ayaa noo xaqiijiyey in ku dhowaad 200 oo ciidan isla markaana ah qeybtii koowaad ciidammadii ku maqnaa dalka Eritrea la keenay, iyadoo dhanka garoonka ciidanka cirka ee Afisyooni lagu arkayey gadiid aad u badan si loogu daabulo ciidammadaas.

Sida aan xogta ku heyno waxaa haray oo kale 24 duulimaad si loo soo dhammeystiro keenitaanka 5,000 oo askari, waxaana jirta in digniino alni laga bixinayo keenitaanka ciidanka xilli xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahaye dalka.

Waalidiin badan ayaa horey walaac uga muujiyey bad-qabka wiilashooda oo markii hore sifo khaldan loogu qaaday dalka Eritrea.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post