1215 Views

Ciidamo la dhigay Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Garoowe

Ciidamo la dhigay Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 26, 2019 —Wararka laga helayo Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Puntland la dhigay Wadooyinka iyo Xaafadaha Magaaladaas.

 

Ciidamadaan oo u badan Boolis ayaa la sheegay inay sugayaan Amniga munaasabad loogu dabaal-degayo sanad-guurdii 21aad oo ku beegan markii la Aas-aasay Dowlad goboleedka Puntland 4-tii Bisha Agoosto Sanadkaan 2019 taas oo la filayo in lagu qabto Magalada Garoowe.

 

 

 

Wariyeyaal ku sugan Magalada Garoowe ayaa waxaa ay soo sheegayaan in Ciidamada ay yihiin kuwo heegan ku jira,isla markaana mararka qaar ay baaritaan ku sameynayaan Gaadiidka iyo qofkii ay ka shakiyaan.

 

Magaalada Garoowe ayaa siweyn looga dareemayaa u dabaal-degida 21-guurdii kasoo wareegtay Aas-aaskii Maamulka Puntland,waxaana munaasabada ka qeyb geli doona madax badan,waxaana munaasabadii la soo dhaafay ee sanadkii 2018 ka qeyb galay Ra’iiusl Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

 

Amniga Guud ee magalada Groowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana ciidamada lagu daadiyay wadooyinka ay wadaan dhaq dhaqaaq ku aadan sugida Amniga,waxana Magalada Garoowe ay ka mid tahay magaalooyinka ugu Amniga wanaagsan deegaannada Puntland.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment