1056 Views

“Waxaa la qiimaynayaa tayada Jaamacadaha! si loo ogaado Cilmiga ay ardayda siiyaan” Cabdullaahi Goodax.

“Waxaa la qiimaynayaa tayada Jaamacadaha! si loo ogaado Cilmiga ay ardayda siiyaan” Cabdullaahi Goodax.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-30-2020–Cabdullaahi Goodax Barre Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaadka sanadkaan 2020 lasoo saarayo qiimaynta Jaamacadaha dalka.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax ayaa sheegay in guddi loo xilsaaray arrintaan uu ku guda jiro howshaan oo lagu soo bandhigayo awoodda Waxbarasho ee Jaamacadaha dalka oo taqasusaad kala duwan bixiya.

“Waa arrin lagu hubinayo awoodda tacliinta Jaamacadaha, kuwa tayadoodu wanaagsan tahay waa ay sii shaqeynayaan, halka kuwa meelaha dhexdhexaad ah la isu biirinayo si awooddoodu mid loogu dhigo, balse Jaamacadaha aan duruustooda sugneen ma sii shaqeyn doonaan” ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada XFS.

Dhibaatooyinka laga dhaxlay burburka Dalka ayuu sheegay in sanadba sanadka ka dambeeya laga gudbayo, ilaa haatan la hiigsado ku dhawaad hal malyan oo Arday oo aan Waxbarasho heysan loo raadiyo Mustaqbal wanaagsan.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa difaacay Manhajka Waxbarashada dalka oo uu sheegay in marba marka dambeysa la habeynayo si duruusta Ardayda Soomaaliyeed qaadanayaan la gaarsiiyo meel wanaagsan.

“Ardayda oo kaliya wax ma barato, Macalimiinta wax u dhigta iyaga qudhooda ayaa cilmi kororsi sameeya, waxaana qorshaheenu yahay in Bare kasta uu heysto Shahaado muujineysa aqoontiisa inta ay gaarsiisan tahay, ugu badnaan labo sanno ayay Shahaadadu ku helayaan, maadaama aysan helin macalimiintu aqoon kororsi” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Waa uu sii hadlay waxa uu yiri “Ardayga Soomaaliyeed waxa uu usii dhawaanayaa Teknoolajiyadda, maadaama waxbarashada uu ku qaadanayo hab Digital ah, (Muuqaal ah), waxaana lagu tusayaa Cilmiga halkii Buug sawir ku qoran ka tusaale qaadan lahaayeen”.

Ardayda iyo Waalidiinta Soomaaliyeed ayuu kula dardaarmay in dadaalka dhankooda ay ka qaataan, waxyaabaha qabyada ahna midba maalin la dhameystiri doono, si fursadda maanta jirta aysan u dayicin, maadaama nasiib ay u yeesheen in ay waxbartaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post