1101 Views

Wafdi gaaray degmada Baraawe kulamana bilaabay

Wafdi gaaray degmada Baraawe kulamana bilaabay
____________________________________________________________________________

Wafdi  Saraakiil ah uu hogaaminayo Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka  Jenaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa Gaarey Degmada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed.

Taliyaha iyo Wafdigiisa ayaa Waxaa garoonka Diyaaradaha degmada Baraawe kusoodhaweeyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka , Maamulka Degmada iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka  Jenaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu salka ku haayo inay u kuurgalaan xaaladda Ciidamada ku sugan degmada Baraawe iyo xaaladaha kale ee kajira degmada sida Nabadgelyada.

Taliyaha ayaa Kullan isxogwareysi ah la qaatey  Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa  AMISOM  ee Kusugan Baraawe si loo Dardar geliyo la dagaalanka Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post