684 Views

Duqeyn ka dhacday Gobolka Gedo & khasaaro ka dhashay

Duqeyn ka dhacday Gobolka Gedo & khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________

Diyaarado la sheegay inay leedahay Dowladda Kenya ayaa waxaa ay xalay saqdii dhexe duqeymo dhinaca cirka ah ka bilabeen dhowr degaan oo ku yaal gobolka Gedo,halkaas oo ay ku nool yihiin dad Xoolo dhaqato ah.

Degaannada duqeynta la sheegay inay ka geysteen Ciidamada Kenya ayaa waxaa kamid ah,, Ceelcade, likooley , laheley, Warburay,  Burcaleen, dhamase, wargaduudo, qulqul shubaal, balanbaal, muudale, abroone,  buusaar cows qurun & Darusalam.

Wararka la helay ayaa sheegaya in duqeynta ay ku geeriyoodeen laba Ruux oo ahaa Hooyo iyo Cunug ay dhashay,taas oo lagu Magacaabi jiray Sahro Aadan Warsame, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 6 qof oo Caruur u badan.

Isgaarsiinta degaannada duqeynta ka dhacday ayaa Hawada ka maqan, iyada oo khasaaraha ka dhashay duqeynta uu intaasi ka badan karo, waxaana dadka ku sugan degaannada kale ee Gobolka Gedo ay sheegeen inay weli maqlayaan duqeynta.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan gobolka Gedo weli kama hadlin duqeyntaas, waxaana ay kusoo aadeeysaa xilli uusan wanaagsaneyn xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post