723 Views

Trump oo Kim Jong-un u bandhigay in uu la raaco diyaaradda Airforce One inta uusan xilka ka dagin..

Trump oo Kim Jong-un u bandhigay in uu la raaco diyaaradda Airforce One inta uusan xilka ka dagin..
____________________________________________________________________________

 

 February 21, 2021 

Kulamadii dhexmaray Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ahaa kuwa soo jiitay indhaha caalamka, balse xogo dheeraad ah oo aan horey loo ogeyn ayaa soo baxaya kadib baaritaan ay samaysay BBC-du.

Markii shirkii labaad ee labada hoggaamiye ku dhex marayay dalka Vietnam uu burburey, ayaa sida la sheegay Trump uu Kim ku yiri ‘Ina keen aniga ayaa diyaaradda kugu qaadaya, oo dalkaaga kuu galbinayee” sida uu BBC-da u xaqiijiyay Matthew Pottinger oo ah qabiir ku taqasusay arrimaha Aasiya.

“Maadaamaauu Trump ka warhayay in Kim uu Hanoi ku yimid safar tareen ah oo maalmo qaatay, ayuu ku yiri ina keen aniga ayaa labo saacadood ku geynayee dalkaagii” ayuu yiri Mathew.

Sida uu sheegay la taliyihii hore ee amniga John Bolton, Trump waxa uu u haystay in uu heley saaxiib dhab ah, isaga oo xitaa mar ka ogolaaday Kim in la joojiyo carbiska ciidanka ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Sida uu ku yimid kulanka labada nin

Waxay ahayd arrin aad la yaab u leh kulanka labada nin oo todobaadyo ka hor saxaafadda isu marinayay hanjabaado culus.

Waxaa dhacday in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guaterres uu booqday Aqalka Cad, isaga oo madaxweynaha Maraykanka kala hadlayay waxa ka dhalan kara talaabo militari oo laga qaado Kuuriyada Waqooyi, waxaase hadalka soo dhex galay in kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha siyaasadda Jeff Felfman uu heley casuumaad ah in uu booqdo magaalada Pyongyang.

„Trump ayaa inta soo foorarsaday ku yiri xoghayaha guud, waxaan rabaa in Jeff ogolaado casuumaadaas, una sheego in aan diyaar u ahay in aan la fariisto Kim Jong-un

Feltman markii uu tagay Pyongyang ayuu la kulmay wasiirka arrimaha dibada ee Kuuriyada Waqooyi, wuxuuna u sheegay farriintii uu Trump ka waday “Kadib wasiirkii inta cabbaar aamusay, ayuu yiri kuma aaminayo, maxaan kugu aaminaa”.

“Anigana waxaan ku iri i aamin maba ku dhahayo, balse waxaan kuu sheegayaa in Qaramada Midoobay loosoo dhiibay farriintan sirta ah, waxaad ka yeeleysaan idinka ayay idiin taalaa” ayuu yiri Feltman.

Kim durba kama uusan soo jawaabin casuumaaddii Trump, balse bilo kadib ayuu saraakiisha Kuuriyada Koonfureed ee ay dariska yihiin u sheegay in uu diyaar u yahay kulan uu la yeesho Trump.

Markii kaaliyaha amniga ee Kuuriyada Koonfureed uu si degdeg ah ku tagay Aqalka Cad, isaga oo farriinta sida, ma uusan filanaynin in Trump uu aqbali doono kulanka.

Sidii ay maalintaas wax u dhaceen waxaa qeexaya la taliyihii amniga ee Maraykanka HR McMaster “Danjire Chung kursiga ayuu ka dhici gaaray markii Trump ogolaaday, anaga dhan xitaa lama aanan qabin Trump kulanka Kim, sababtoo ah waxaan rabnay in xoogaa lasii cadaadiyo Kim”.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post