849 Views

Qarax uu ku dhaawacmay Taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba oo ka dhacay halkaas.

Qarax uu ku dhaawacmay Taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba oo ka dhacay halkaas.
____________________________________________________________________________

isniin: September 20, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qasaaraha ka dhashay qarax culus oo lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ka dhacay degmada Buurhakaba.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen xubno ka tirsan maamulka degmadaas, waxaana soo gaaray khasaare kala duwan.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qasaare uu ka dhashay Qaraxaas uuna  ku dhaawacmeen taliyaha NISA ee degmada Buurhakaba, Xuseen Dhuubow, guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmadaas Nuurow Ibraahim iyo askar kale oo la socotay, xilliga uu dhacayey weerarka qaraxa ah.

Sidoo kale Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post