597 Views

Booliiska dalka Guatemala oo 126 muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay kunteenar looga tegay waddada dhexdeeda.

Booliiska dalka Guatemala oo  126 muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay kunteenar looga tegay waddada dhexdeeda.
____________________________________________________________________________


Axad: October 10, 2021

-Booliiska dalka Guatemala ayaa 126 muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay kunteenar looga tegay waddada dhexdeeda.

Waxay rumeysan yihiin in kooxaha dadka tahriibiya ay meesha dhigeen dadkan, sababo la xiriira inaysan bixin lacagtii looga keenay Mexico.

Booliiska ayaa muhaajiirinta siiyay gargaar deg deg ah kahor inta aysan geyn xarun ay maamusho hay’adda socdaalka ee Guatemala.

Waxay tahriibayaashu doonayeen inay galaan Mareykanka.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay inay ku soo baxeen qeylo dhaanta tahriibayaashan oo garaacayay albaabka kunteenarka.

Waxaa muhaajiriinta haatan dib loogu celin doonaa Honduras, oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ay ka yimaadeen.

Inta badan muhaajiriintan ayaa ka yimid dalka Haiti, oo haatan ku jira xasarad dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Qaar yar ayaa ka soo jeeda dalalka Nepal iyo Ghana.
Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post