963 Views

Shiinaha oo dad u xirxiray talaalka been abuur ah oo dhaqaalle badan laga sameeyay

Shiinaha oo dad u xirxiray talaalka been abuur ah oo dhaqaalle badan laga sameeyay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 15 2021–
Shiinaha ayaa tobonaan qof u xirxiray tallaal been abuur ah oo ay ku lug lahaayeen. Dadkaa la xirxiray ayaa la sheegay in ay ku jiraan koox dambiileyaal ah oo tallaalkaas been abuurka ah ka sameeyey lacag gaaraysa 3 milyan oo dollar.

Booliiska Shiinaha ayaa sheegay in 70 qof oo la tuhunsan yahay loo soo qabqabtay kiisas labaatan gaaraya oo la xiriira wax isdamarinta tallaalka Fayraska Corona.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in koox ka mid ah kooxahaas la soo xirxiray ay isticmaalayeen cusbo iyo biyo la isku milay si ay tallaal ugu ekaysiiyaan.

Qaar ka mid ah tallaalkaas been abuurka ah ayaana loo qaybiyey cisbitaallada si arrimaha degdeggga ay ugu adeegsadaan.


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post