282 Views

Dowlada Itoobiya oo ka fiir saneysa xiriirka ay la leedahay dalal iyo hey’addo

Dowlada  Itoobiya oo ka fiir saneysa xiriirka ay la leedahay dalal iyo hey’addo
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 29, 2022

War-saxaafadeedka ay xukuumaddu federaalka Itoobiya soo saartay, ayay ku sheegtay inay ku qasban tahay inay ka fiirsato xiriirka ay la leedahay dawlado iyo hay’ado aanay magacyadooda xusin, iyadoo ku andacootay dowladda inay dalka u soo jeediyaan eedaymo aan caddayn iyo raad toonna lahayn, iyagoo markaa ka leh dano siyaasadeed.

Dowlada dhexe ayaan magacaabin wadamada iyo hay’adaha ay sheegtay inay ka dhawaajiyaan dacaayadaha aan loo meel dayin, sida TPLF.

Dowladda ayaa hadalkan soo saartay xilli uu dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya uu yahay mid dhinacyo kala duwan leh, isla markaana ay jiraan dilal iyo barakicin loo geystay dad rayid ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa dhawaan ku boorisay ciidamada difaaca Itoobiya iyo ciidamada Eritrea inay ka waantoobaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan, ayna ilaaliyaan ammaanka dadka aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay oo uu Maraykanku ku jiro, ayaa dhawaan ka codsaday ciidamada Eritrea inay ka baxaan dalka Itoobiya.

Kadib markii ay bayaanadaasi soo saareen, ayaa waxaa dhawaan magaalooyinka kala duwan ee dalka Itoobiya ka dhacay isu soo bax dadweyne, oo halku-dhiggiisu ahaa “Annagu waxaan u istaagi doonaa Itoobiya oo aan garab u nahay”.

“Waxay ka soo horjeedaan faragelinta aan habooneyn ee reer galbeedka, waana in la xaqiijiyo in aan garab istaagno dowladda dhinac walba, si loo ixtiraamo madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka,” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah qaban qaabiyayaasha dibad baxa.

Itoobiya ayaa horay warqad digniin ah ugu qortay dalka Ireland, oo ay ku sheegtay in Ireland ay fulinayso falal ka dhan ah madax-bannaanida Itoobiya, taasoo la xiriirta dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi Itoobiya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Demeke Mekonon, ayaa warqad u qoray dhiggiisa dalka Ireland, isagoo sheegay in dalkiisa Ireland ee ku yaalla qaaradda Yurub uu “weerar lama filaan ah ku hayo” Itoobiya.

“Marka la taageero kooxda TPLF, waxay cadaadis saaraysaa dowladda Itoobiya, iyadoo adeegsanaysa kursigeeda golaha ammaanka,” warqad ayay lagaga codsaday Itoobiya dowladda Ireland “inay ka fogaato weerarka ay ku hayso Itoobiya”.

Dhanka Maraykanka, warbaahinta ku dhow dhow dowladda oo uu ku jiro telefishinka qaranka, ayaa daabacaya warbixinno sheegaya in maamulka madaxweyne Joe Biden “uu cadaadis saarayo Itoobiya isagoo la safan sida ay sheegeen waxa ay ugu yeereen argagixisada”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post