2274 Views

Sawiro:-Bur bur ka dhashay Duqeyntii degmada Janaale

Sawiro:-Bur bur ka dhashay Duqeyntii degmada Janaale
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 12, 2019 –Waxaa habeen hore weerar isugu jiray cir iyo dhul deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ku qaaday ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo kale oo Mareykanka ah.

Ciidamada Huwanta ah ayaa la sheegay in diyaarado uga daateen duleedka deegaanka Janaale, waxaana isla xiligaas  iska caabin kala kulmeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo heegan ku jiray kuna sugnaa banaanka Janaale.

Al Shabaab ayaana sheegtay in ay iska caabiyeen weerarkii ay kusoo qaadeen Ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka, waxa ayna Shabaab sheegeen in howlgalkaasi fashilieen.

Dhinaca kale Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo taageerayay ciidamada lugta ku galay Janaale ayaa la sheegay in gantaalo ku garaaceen xaafado kuyaala deegaanka Janaale, lamana soo sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay duqentaasi.

Gantaalada ayaa la sheegay in ay ku dhaceen guryo kuyaala deegaanka Janaale, waxaana khasaaro bur bur uu gaarsiiyay duqeyta dhowr guri oo kuyaala deegaanka Janaale oo la sheegay in shacab degnaayeen.

Sawirro laga soo qaaday aaga madaafiicda ku dhacdday ayaa muujinaya bur bur xoogan oo ka dhashay duqeyntaasi oo habeen hore lagu garaacay deegaanka Janaale ay maamulaan Dagaalyahanada Al Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment