2613 Views

Soomaaliland oo ka digtay in la dhibaateyo Oromada ku sugan deegaanadeeda

Soomaaliland oo ka digtay in la dhibaateyo Oromada ku sugan deegaanadeeda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 9, 2018 – Wasiirka Arrimaha Dibada maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire oo Shir la qaatay Ciidamada amniga ee Soomaaliland ayaa sheegay in aan dhibaato loo geysan doonin dadka Oromada ah ee soo gaaray deegaanada Soomaaliland.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Ciidamada amniga uu kala hadlay inysan dhibaano u geysan dadka Oromada ee ku sugan Soomaaliland  kuwaasi ka soo carayay rabshadihii ka dhacay Magaalada Jigjiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay in go’aan ay ku gaareen in la ilaaliyo nabada dadka Oromada ah ee jooga deegaanada Soomaaliland  ay soo saareen,isla markaana sheegay in dadkaasi ay yihiin dad naga mudun in aan soo dhaweeyno.

Wasiirka Arrimaha Dibada maamulka Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa fariin u diray dadka reer Soomaaliland,isagoona sheegay in looga baahan yahay in ay dhowraan dadka Oromada iyo maalkood ee soo gaaray Soomaalilan.

Deegaanada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland ayaa waxaa soo gaaray dad badan oo Oromo ah kuwaasi oo ka soo carayay rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment