1284 Views

Wasiiru dowlaha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta oo ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan

Wasiiru dowlaha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta oo  ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan
____________________________________________________________________________

April 12-4-2021

 Wasiiru dowlaha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Xukumada Federalka Soomaaliya Maxamuud Macalin Yaxye ayaa ku dhawaaqay in maalinta beri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ka dib markii degaano ka tirsan Puntland iyo Hirshabeele lagu arkay bilashada bisha Ramadaan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamuladaas.

Beri oo bisha Abriil tahay 13 waa maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan sanadkan 1442 Hijriya.

Dalal badan ayaa sidan oo kale shaaciyay in beri ay tahay maalin Ramadaan, waxaana dalalkaas kamid ah Sacuudiga iyo kuwo kale.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post