438 Views

Dowlada Sweden oo ka jawaabtay Qorshaha Xisbiga SD ee lagu joojinayo Luuqada Hooyo

Dowlada Sweden oo ka jawaabtay Qorshaha Xisbiga SD ee lagu joojinayo Luuqada Hooyo
____________________________________________________________________________

.

Sabti: DECEMBER 31, 2022

Xisbiga SD ayaa shalay ku dhawaaqay in Dowlada kala shaqeenayaan in luuqada Hooyo laga joojiyo Dugsiyada Hoose.

Dowladda ayaa maanta ka jawaabtay Qorshaha uu wado Xisbiga SD ee ku aadan joojinta Luuqada Hooyo.

Wasiirada Waxbarashada Lotta Edholm oo  la hadashey Warbaahinta ayaa ka jawaabtay hadalka kasoo yeeray Xisbiga SD ee ku aadan Luuqadaha Dadka ajanabiga ee lagu barto Dalka.

Lotta Edholm oo ka hadleysa arintaasi ayaa sheegtay in Dowlada aysan marna ku jirin qorshaha isla markana Heshiiska Tedö uuan ku jirin qodob dhigaya joojinta luuqada.

iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay intaasi ku dartay in uu jiro heshiis in baaritaan lagu sameeyo Luuqada Hooyo inay qeyb ka qaadato isdhex-galka iyo in kale.

Dowlada iyo Xisbiga SD ayaa horay u gaaray Heshiisyo kala duwan kuwaasi oo badankooda saameyn ku yeelanaya Dadka soogalootiga ee Dalkan ku nool.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post