951 Views

degaannada Somaliland ay gaareen Qaxooti farabadan oo Yemeniyiin ah

degaannada Somaliland ay gaareen  Qaxooti farabadan oo Yemeniyiin ah
____________________________________________________________________________

Isniin: August 30, 2021

 Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Somaliland soo garay Qaxooti farabadan oo Yemeniyiin ah, kuwaas oo markab uu kasoo dejiyay dekadda Magaalada Berbera.

Qaxootigaan oo isugu jira dad waaweyn iyo Carruur aya tiro ahaan waxaa ay gaarayaan ilaa 177 Ruux, waxaana Magaalada Berbera kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.

Qaxootigaan Yemeniyiinta ah ayaa waxaa ay kasoo carareen Colaada daba dheeraatay ee ka socota dalka Yemen, taas oo u dhaxeeya Xulada sacuudiga uu horkacayo iyo Kooxda Xuutiyiinta.

Boqolaal Qaxooti Yemeniyiin ah ayaa haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo sanadihii la so dhaafay siyaabo kala duwan u yimid Magaalooyinka, Muqdisho, Boosaaso iyo Berbera.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post