498 Views

Mareykanka oo hanjabaad adag u diray madaxda Soomaaliya

Mareykanka oo hanjabaad adag u diray madaxda Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 12, 2022

  • Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday madaxda Soomaaliya inay u hoggaansamaan habraacyada arrimaha doorashada iyo tallaabooyinka kale ee lagu saxayo hanaanka doorashada.
  • “Waxaan ugu baaqeynaa madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada inay u hoggaansamaan wakhtiga doorashaada ee lagu heshiiyay iyo hanaanka lagu saxayo khaladaadka harreeyay habraaca doorashada”
  • Mareykanka wuxuu ku hanjabay in uu xayiraado dhanka dal ku galka ah kusoo rogi doono siyaasiyiinta Soomaalida si looga jawaabo dib u dhaca harreeyay doorashada.
  •  
  • “Mareykanka wuxuu diyaar u yahay in uu qaado tallaabo ugu habboon oo ay kamid tahay, xayiraado dhanka dal ku galka ah si looga jawaabo in dib u dhaca doorashada iyo tallaabooyinka kale ee carqaladeyn karo hufnaanta doorashada” ayuu yiri Ned Price oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha Mareykanka.
  •  

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post