834 Views

beesha caalamka oo soo dhoweysay ku-dhawaaqistii Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah..

beesha caalamka oo soo dhoweysay ku-dhawaaqistii  Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah..
____________________________________________________________________________

Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.

Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post