651 Views

Golaha Shacabka oo maanta lagu qabanayo Dhuusamareeb.

Golaha Shacabka oo maanta lagu qabanayo Dhuusamareeb.
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 24, 2021

 Doorashada Golaha Shacabka ee Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inay ka bilaabato Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Maamulka Guddiga Doorashada Galmudug ayaa sheegay laba ka mida shantii kursi ee Khamiistii la iclaamiyay in maanta lagu dooran doono Dhuusamareeb.

Guddiga Doorashada Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeysay ku howlanaa diiwaangelinta iyo shahaado guddoonsiinta xubnaha musharaxiinta qaarkood.

Afayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Aadan Safiina ayaa sheegay in labadaasi kursi ay soo dhameystirmayn diiwaangelinta musharaxiinta ku tartamaysa iyo weliba ergada wax dooranaysa, iyadoona ergada la tababaray.

Axmed Safiina ayaa Ugu dambeyntii ugu baaqay musharaxiinta u taagan labadaasi kursi in sagaalka 9:00 subaxnimo ee maanta ku soo xaadiraan hoolka doorashada ee Magaalada Dhuusamareeb.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post