276 Views

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada Muqdisho Xalay

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada Muqdisho Xalay
____________________________________________________________________________

Talaado: DECEMBER 27, 2022

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xaflad soo dhaweyn ah ku maamuusay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo muqdisho soo gaartay.

Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ay ka mid tahay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka , Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka , Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo xubno ka tirsan Golayaasha dowladda.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka hadashay xafladda ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, iyadoo ku ammaantay Xukuumadda guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaartay ciribtirka Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post