1071 Views

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha waddo dhibaato lagu qabay

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha waddo dhibaato lagu qabay
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha lagu sameeyay wadada Laamiga ee hormarta Warshada Caanaha ee Degmada Hodan.
Wadadaan oo aheyd mid bur-bur ku yimid isla markaana dhibaato xoogan oo dhanka isku socodka ah ay ku qabeen shacabka ayaa muddo kooban lagu dhisay iyadoo laga jawaabayo cabashada Shacabka, sida.lagu sheegay War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Bulshada in ay ka shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen Dhismaha lagu sameeyay Wadadaan Laamiga ah isla markaana ay ugu shaqeyn lahaayeen Bilicda iyo Nadaafada.
Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Hogaamiyo Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa horey u fuliyay Mashaariicyo badan oo dib u dhis loogu sameenayo wadooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaa jira wadooyin badan oo qarka u saaran inay go’aan, kuwaas oo dhibaato ay ku qabaan dadka Shacabka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post