1035 Views

14 Ruux oo ku geeriyootey Shil Gaari

14 Ruux oo ku geeriyootey Shil Gaari
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isiin  , March 16, 2020 —Inta la xaqiijiyey ilaa 14 Ruux ayaa geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen Shil gaari oo ka dhacay waddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Mombasa iyo Malindi ee gobolka xeebta ee lamu ee dalka Kenya.

 

Shilkan ayaa yimid,kadib markii ay isku dhaceen Gaari nooca Xamuulka qaado ah iyo Gaari kale oo ay saarnaayeen dad Shacab ah,kaas oo Gudaha dalka Kenya looga yaqaano Mataatuuda.

 

 

 

Taliyaha Booliska ee gobolka xeebta Rashiid Yaaquub oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shilkaasi uu ku dhacay si kedis ah iyo burbur ka jiray wadada.

 

Madaxa isbitaalka ismaamulka Kilifi Eddy Nzomo ayaa sheegay in dhimashada ay markii hore aheyd Todobo Ruux,hayeeshee markii dhaawac ahaan loo keenay Isbitaalka ay todobo kale geeriyoodeen.

 

Dadka dhintey ayaa waxaa ay kala yihiin Lix Rag ah iyo lix Haween ah,Darawalkii gaariga dadka rakaabka ah saarnaayeen iyo Cunug yar.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment