1656 Views

Qarax Ka Dhacay Xaafada Soonakeey Ee Magalada Muqdisho

Qarax Ka Dhacay Xaafada Soonakeey Ee Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 20, 2018 –Qarax lagu xiray gaari ayaan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaarahaan xaafada Soonakeey ee dagmada Hodan Gobolka Banaadir

Goobjoogayaal ayaa  u sheegay in gaari qarxay uu watay askari ka tirsan ciidamada dowlada ismarkaana gaarigiisa qaraxa loogu xiray.

Dadka ku sugan halka qaraxu ka dhacey ayaa sheegey in uu meesha ku geeriyooday askari lagu magacaabi jiray Xasan Kaafi oo watay gaariga la qarxiyey,wararku waxay intaas ku darayaan inay meesha qaraxu ka dhacey ay isku gadaameen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayna diideen in laga agdhawaado gaariga qaraxa qabsaday.

Marar badan magaalada Muqdisho waxaa ka dhacey qaraxyo lagu xiray baabuur ay wateen masuuliyiin iskugu jira Xildhibaano iyo Saraakiil ciidan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment