891 Views

Abiy Axmed: ‘Howlgalka milateri wuu sii socon doonaa tan iyo inta hub ka dhis lagu sameynayo kooxaha hubeysan

Abiy Axmed: ‘Howlgalka milateri wuu sii socon doonaa tan iyo inta hub ka dhis lagu sameynayo kooxaha hubeysan
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in howlgalka militeri ee ka dhanka ah Tigray loo fulinayo qaabkii loo qorsheeyay.

Wuxuu intaas ku daray in howlgalka la joojin doonto tan iyo inta hub ka dhigis lagu sameynayo kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah.

Waxaa howlgalka la joojin doonaa “Kaddib marka hub ka dhigis lagu sameeyo kooxaha abaabulan ee dambiilayaasha ah, inta dowlad sharci ah gobolka looga soo celinayo isla markaana dambiilayaasha baxsadka ah caddaallada la hor keenayo”

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa dhawaan ku dhawaaqay in tallaabo militeri laga qaado Tigray kaddib markii uu ku eedeeyay ciidamada gpbolka inay weerar ku qaadeen saldhig militeri oo ku yaalla gobolka kuwaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post