6159 Views

WAREYSI GAAR AH MADAXWEYNAHA JUBBALAND

WAREYSI GAAR AH MADAXWEYNAHA JUBBALAND
____________________________________________________________________________

Kismayo | June 24, 2016 – SONNA – by C/raxmaan Cadaala – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam (AxmedMadoobe) oo xarunta Madaxtooyada ee magaalada Kismaayo wareysi gaar ah kusiiyey Wakaaladda Wararka Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Axmed adoobe ayaa waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin, dib u heshiisiinta, nidaamka federaalka, la dagaalanka Al-shabaab, Mustaqbalkiisa Siyaasadeed, Arrimaha Doorashada La Filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Jubbalanda ayaa ugu horeyn ka hadlay arimaha dib u heshiisiinta, oo uu tilmaamay in waqtidheer ay ku bixiyeen islamarkaana ay sii wadi doonaa,  maadaama sida uu sheegay ujeedkoodu uu yahay in ay reebaan taariikh wanaagsan.

Mar wax Laga weydiiyay la  dagaalanka Al-shabaaboo Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, waxa uu sheegay in dagaalka Al-shabaab ka dhanka ah aan si siman daacad looga aheyn oo dhaliilo badan ay jiraan.

Hase yeeshee waxa uu cadeeyey in Jubbaland iminka ay wado qorshe lagu bilaabayo howlgal rasmi ah oo lagula dagaalamayo Al-shabaab ,Ka heysta deegaano ka tirsan Jubbaland iyo kuwa dhuumaaleysanaya sida uu sheegay.

Waxa laga filankaro shirka madasha hogaamiyeyaasha ee Baydhabo ayaa la weydiiyey madaxweynaha Jubbaland waxaana uu muujiyey in isbedel wanaagsan ay U horseedidoonaan.

Arimaha federaalka oo uu kahadlay madaxweynaha Jubbaland mudane.

Axmed Madoobe waxa uu muujiyey in marka la is bar bardhigo federal iyo dowlad dhexe oo awood leh uu isagu aaminsanyahay dowlada dhexe, balse nidaamka federaalka iminka uu yahay mid xal laguraadinayo,si la,isugu keeno Soomaalida.

Al-shabaab ayuu sheegay in dagaalkoodu aanu kusaleysneyn caqiido,balsedano kale ay leeyihiin, isagoo intaasikudaray in sixoog ah ay ku dagaalgaliyaan caruur wali aan qaangaarin oo kunool meelaha ay maamulaan.

Wariyaha SONNA C/raxmaan Yuusuf Sheakh Cadaala oo wareysanayey madaxweynaha Jubbaland ayaa ugudambeyn weydiiyey hiigsigiisa iyoqorshihiisa mustaqbalka ee siyaasad eed Jubbaland kadib, waxaana uu tilmaamay in marnaba uusan iskusoo sharixidoonin madaxtinimada dalka, islamarkaanaaanudooneynininuukusiijirosiyaasaddaSoomaaliya.

Daawo wareysiga SONNA ay la yeelatay madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam (AxmedMadoobe) waxaa qaaday wareysiga wariye C/raxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala.

.

.

______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment