1158 Views

SAWIRO:-Guddoomiyaha Cusub ee G/Banaadir oo kormeer sameeyay

SAWIRO:-Guddoomiyaha Cusub ee G/Banaadir oo kormeer sameeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 02, 2019 —Xarunta waaxda dabdamiska ee dowlada hoose Xamar oo kamid ah waaxaha ugu muhiimsan ee dowlada hoose ayaa waxaa maanta soo kormeeray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) isagoo u kuur galayay sida ay u howl galaan howl wadeenada waaxdaasi iyo baahiyaha ka jira adeegayada la xariira gurmadka degdega ah ee dab-damiska

 

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish oo lahadlay madaxda iyo shaqaalaha waaxda dabdamiska iyo waaxda gaadiidka gobolka Banaadir isagoo ku bogaadiyay howlaha muhiimka ah oo ay u hayaan bulshada caasimada ku dhaqan isagoo intaas kudaray in maamulkiisa uu wax kaqaban doono baahiyaha ay soo gudbiyaan waaxahaasi

 

 

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray xarunta gaadiidka dowlada hoose hoose Xamar iyo xarunta wakaalada horumarinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed halkaasi oo kusoo dhaweeyay maareeyaha guud ee Wakaalada dhismaha Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyadoo kormeerka ay qeyb ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee gobolka.

 

Masuuliyiinta ayaa kormeer socod ah ku maray qeybaha kala duwan ee xaruntani oo ay kamid tahay warshadii dhismaha iyo qeybta farsamada kuwaas oo u baahan dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyo si loo xoojiyo mashaariicda lagu horumarinaayo dib-udhiska Caasimada.

 

Kormeerka kadib ayaa waxaa warbaahinta qaranka la hadlay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment