1098 Views

Dagaal mar kale ka dhex Qarxay Ciidamada Armenia iyo Azerbaijan

Dagaal mar kale  ka dhex Qarxay Ciidamada Armenia iyo Azerbaijan
____________________________________________________________________________

May 26 2021

Askari u dhashay dalka Armenia ayaa Talaadadii lagu dilay rasaas ay xuduudda isku weydaarsadeen ciidamada Azerbaijan, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Armenia, ayada oo weli ay xiisad kacsan tahay kadib dagaalkii bishii September ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh.

Wasaaradda ayaa goor dambe sheegtay in xaaladda ay hadda ‘degan tahay” kadib iska horimaadka oo ka dhacay barta xuduudda ee Verin Shorzha ee gobolka bariga Armenia ee Gegharkunik.

Goobtan ayaa xuduud la leh gobolka Kalbajar oo ay dib u qabsatay Azerbaijan kadib dagaalkii sanadkii tagay.

“Hal askari ayaa ku dhintay iska horimaad kadib markii ciidamada Azerbaijan ay rasaas soo fureen,” ayey wasaaradda difaaca Armenia ku tiri bayaan ay soo saartay.

Hase yeeshee wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan ayaa beenisay in ciidamadeeda ay rasaas fureen.

“Sida aan xogta ku hayno, dhacdada la xiriira geerida askariga Armenia waxay aheyd mid shil ah, wax shaqo ahna kuma lahan dhinaca Azerbaijan,” ayey wasaaradda ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

Dagaalkii xooggan ee sanadkii tegay ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh – oo ah gobol ka tirsan Azerbaijan balse ayd egan yihiin Armenian – ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 6,000 oo qof kadib lix toddobaad oo uu socday.

Dagaalka ayaa ku joogsaday xabad joojin ay dhex-dhexaadisay Russia oo Armenia ay ku dhiibtay dhul ay sanado badan haysatay.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post