867 Views

Tanzania oo baareysa ‘shirkad ka ganacsaneysay kaadida haweenka uurk leh’

Tanzania oo baareysa ‘shirkad ka ganacsaneysay kaadida haweenka uurk leh’
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

Mas’uuliyiinta dalka Tanzania ayaa baarayaa shirkad la sheegay inay uruurineysay kaadida haweenka uurk leh si ay uga sameyso dawooyin, sida uu ku warramay wargeyska The Citizen ee kasoo baxa dalkaas.

Waaxda dawooyinka ee Tanzania ayaa lasoo xigtay iyadoo sheegaysa in aanay aqoonsaneyn shirkadda Polai oo la sheegay inay ku lug laheyd ganacisgan.

Wargeyska The Citizen ayaa sidoo kale ku warramay in baaritaanada ay muujinayaan in shirkadda ay qarsoodi ah ugu howlaneyd ururuurinta kaadida haweenka uurka leh.

Wuxuu soo xigtay shaqaale ka tirsan shirkadda oo qiraya in kaadida haweenka uurka leh lagu daweeyo dhalmo la’aanta.

Ma jirto caddeyn muujineysa in kaadida banii’aadanka wax lagu daweyn karo.

Waaxda dawooyinka Tanzania waxay sheegtay inay qaadi doonto tallaabo marka lasoo gabagabeeyo baaritaanka.

.Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post