1503 Views

Seyga wasiirka cayaaraha ee Kenya Amina Maxamed oo saakay ku geeriyooday magaalada Nairobi

Seyga wasiirka cayaaraha ee Kenya  Amina Maxamed oo saakay  ku geeriyooday magaalada Nairobi
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Seyga wasiirka cayaaraha ee Kenya, Amina Maxamed, ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Nairobi kadib xanuun muddo kooban hayay.

Khalid Axmed ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Karen, kadib markii markii halkaa loo dhigay xanuun ku soo booday oo aan la shaacin waxa uu yahay.

Wasiirka dalxiiska Kenya, Najib Balala, ayaa kamid ahaa dadka ugu horreeyay ee ka tacsiyeeyay geerida Khalid.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa walaashey Amina, Alle ha u naxariisto, addinka Samir iyo iimaan ha idinka siiyo,” ayuu yiri wasiir Balal.

Khalid ayaa ahaa ganacsade laga yaqaan Kenya, balse aan ka soo muuqan warbaahinta. Waxa ay Amina u dhashay laba carruur ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo booqasho ku jooga dalka UK ayaa ka tacsiyeeyay geerida Khalid.

Uhuru ayaa Khalid ku tilmaamay inuu tiir adag u ahaa qoyskiisa, waxaana uu geerida uga tacsiyeeyay Amina, carruurteeda iyo ehelkeeda.

Bishii March ee sanadkan ayay ahayd markii Ismaaciil Maxamed Jibriil oo la dhashay wasiir Amina uu ku geeriyooday dalka Hindiya halkaas oo lagu daweynayay.

Marxuum Ismaaciil ayaa ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay Nairobi.

Waa tuma Amina Maxamed?

Bishii October 1961 ayay ku dhalatay magaalada Kakamega ee galbeedka Kenya. Waxaa la dhashay sagaal carruur ah.

Waxbarashadeedii hoose iyo dhexe waxa ay ku qaadatay gudaha Kenya, halka jaamacaddana ay ka dhigatay caasimadda Kiev ee Ukraine.

Waxa ay ka soo shaqeysay hay’addo badan oo ay leedahay Qaramada Midoobay sida, ILO, WHO, UNCTAD, UNHCR iyo UNAIDS.

Sanadkii 2013 ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda Kenya, xilkaas oo ay haysay illaa iyo sanadkii 2018.

Kadib waxaa loo magacaabay wasiirka waxbarashada Kenya, xilkaas oo ay haysay muddo sanad ah.

Sanadkii 2017, waxa ay u tartantay xilka gudomiyaha guddiga midowga Afrika, balse waxaa uga guuleystay Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post