981 Views

Dabley qafaalatay markab ka babanayay calanka dalka Panama xilli uu marayay xeebaha Cummaan

Dabley qafaalatay markab ka babanayay calanka dalka Panama xilli uu marayay xeebaha Cummaan
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 4, 2021

Dabley ayaa qafaalatay markab uu ka babanayay calanka dalka Panama xilli uu marayay xeebaha Cummaan, waxaana markabka lagu khasabay in uu u shiraacdo dhinaca Iran, sida laga soo xigtay Hay’adda sirdoonka badda ee dalka Britain, Lloyds List.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Asphalt Princess, ayaa waxaa raacay rag hubeysan markii uu u soo dhowaaday marinka Hormuz.

Ma kala cadda cidda afduubatay markabka balse dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in falkan looga shakisan yahay ciidamada Iran.

Ciidamada Kacaanka Iran waxay iska fogeeyeen eedeymaha loo jeediyay oo ay ku tilmaameen ‘daandaansi ka dhan’ xukuumadda Tehran.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli dhawaan la weeraray markab laga leeyahay Israa’iil oo marayay Cummaan kaas oo ay ku dhinteen labo qof oo kamid ahaa shaqaalihii markabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post