1125 Views

-Guddoomiyaha G/Banaadir Oo Si Kulul Uga Hadlay Dil Maanta Loo Geystay Darawal Mooto Bajaaj

-Guddoomiyaha G/Banaadir Oo Si Kulul Uga Hadlay Dil Maanta Loo Geystay Darawal Mooto Bajaaj
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 1, 2019 –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa si adag u cambaareeyay falkii dilka loogu geystay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa wadayaasha Mooto Bajaajka, marxuumkaas oo maanta lagu dilay Degmada Waaberi.

Eng. Yariisow ayaa Hey’addaha Amniga faray in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada loo horkeeno danbiile Maxamed Deeq Cabdi Aadan oo ka mid ah ciidamada ilaalada deegaanka Xamar oo asiga geystay falkaan dilka ah.

Waxa uu Duqa Muqdisho Tacsi u diray eheladii uu ka baxay marxuumkii la dilay, asigoona u balan qaaday in danbiilaha sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada loo horkeeni doono.

Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu carabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadan doonin falalka nuucaan oo kale ah ee soo noq noqday muddooyinkaan danbe, asigoona xusay in uusan aqbali doonin in dhalinyaradeena shaqo abuurka sameystay ee bulshada u adeegaya in ay si micno darro ah ku dhintaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment