1665 Views

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista oo kulan gaar ah la qaatay guddiga shirkadaha diyaaradaha ka howlgala dalka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista oo kulan gaar ah la qaatay guddiga shirkadaha diyaaradaha ka howlgala dalka
____________________________________________________________________________

May 12 2021

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan gaar ah oo ay yeesheen Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda xil-gaarsiinta Duraan Axmed iyo guddiga shirkadaha diyaaradaha ka howlgala dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay hannaan lagu wajahayo in aysan saameyn ku yeelan diyaaradaha xayiraadda ay ku soo rogtay dowladda Kenya isu-socodka labada dal, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Qoraalka Wasiirka ayaa u qornaa sidaan

“Waxaan ballan-qaadayaa in Dawladda ay kala shaqeynayso ganacsatada diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan go’aankan saameyn ku yeelan,” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay in la hormariyo iskaashiga duulimaadyada waddamada gobolkan Geeska Afrika.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post