1548 Views

SAWIRO:-Shirka Garoowe oo furmay iyo qodobo xasaasi ah oo looga hadlayo

SAWIRO:-Shirka Garoowe oo furmay iyo qodobo xasaasi ah oo looga hadlayo
____________________________________________________________________________

Garoowe  | QOL | May 05, 2019 –Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal waxaa ka furmay Shirka Wada-tashiga Dawladda Soomaaliya iyo Dawladdaha Xubanaha ka ah,kaas oo diyaar garoowgiisa uu maalmahaan ka socday Magalada Garoowe.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sirasmi ah u furay shirka,waxaana ku sugan Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyo Madaxda Maamul goboleedyada, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland, Hir-Shabeelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir.

 

Shirkaan oo uu martigelinayo Maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin xalinta khilaafka dowladda iyo dowlad Goboleedyada,arrimaha Siyaasada , Amniga, Dastuurka iyo Cadaaladda.

 

Shirkan oo ahaa kii ugu xasaasinaa oo ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ayaa la filayaa in geba-gabadiisa laga soo saaro War-murtiyed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Garoowe 

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment