768 Views

Wafdi uu hoggaaminayo James Swan oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo James Swan oo gaaray Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa manta Magaalada Sama-reeb ee Caasimada Galmudug ku soo dhaweyay wafdi u hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoowey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo ay qeyb ka ahaayeen Wakiilada Midawga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD J.

Wafdiga ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Galmudug ayaa waxa safarkooda la xiriiraa arrimaha Doorashoyinka, ammaanka iyo Siyaasada dalka.

Sido kale waxaa safarkooda qayb ka ah in Caasimada Galmudug laga hergaliyo Xarun weyn oo ay ku yeelanayaan UN-ka taas oo laga hagidoono howlaha hormarineed ee ay Qaramada Midoobay ka wadan guud ahaan Galmudug.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post