339 Views

Injineero Lagu Dilay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Waqooyi Bari Keny

Injineero Lagu Dilay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Waqooyi Bari Keny
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 12, 2023

Weerarkan oo qarax wadada la dhigay ahaa ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Injineero ku howlanaa kormeerka wadada tareenka ee isku xiraya dalalka Kenya iyo Itoobiya, wadadan ayaa marta magaalooyin ay kamid tahay Gaarisa.

Sida ay qoreyso warbaahinta gudaha ee dalkaasi Kenya, Afar qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, dadka dhintay saddex kamida waa Injineerada ku howlanaa dhismaha wadada, halka dhowr qof oo kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Taliyaha booliska Waqooyi Bari George Seda ayaa tagay halka weerarka uu ka dhacay, isagoo sheegay iney baxsadeen dableyda weerarkan fliisay, balse ay ku daba jiraan laamaha amaanka.

Waxa uu sheegay ineysan wax saameyn ah ku yeelaneynin weerarada noocan oo kale ah, bishii December ayaa weerar kan lamida lagu dilay laba sarkaal, iyadoo weerarka uu ka dhacay isla deegaankan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post