753 Views

Dayax madoobaadka ama qorrax modaabaadku wuxuu noqon karaa dhacdooyinka cireed

Dayax madoobaadka ama qorrax modaabaadku wuxuu noqon karaa dhacdooyinka cireed
____________________________________________________________________________

June 10 2021

Dayax madoobaadka ama qorrax modaabaadku wuxuu noqon karaa dhacdooyinka cireed kuwooda ugu cajiibsan. Waxaa jira sabab wanaagsan oo ah in laan dhan oo dalxiis ah ay soo ifbaxday si loogu adeego kuwa doonaya inay arkaan.

Qorrax madoobaadka soo socdaa wuxuu noqon doonaa 10 Juun – dayax madoobaad aan caadi ahayn oo si buuxda looga wada arki karo qaybo ka mid ah Kanada, Greenland iyo Ruushka (inta badan Yurub, Bartamaha Aasiya iyo Shiinaha ).

Laakiin kani waa mid ka mid ah dhowr nooc oo dayax madoobaad ama qoorax madoobaad ah.

Waxaana ay dhacaan kolka qorraxda, dayaxa iyo dhulka ay si xarriiq toosan ah isugu aadaan.

“Guud ahaan, waxaa jira laba nooc oo: kuwa Dayaxa iyo kuwa Qorraxda,” ayuu qoray Juan Carlos Beamín, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga xiddigiska ee Xarunta Isgaarsiinta Sayniska ee Jaamacadda Madaxa-bannaan ee Chile, buugiisii ugu dambeeyay ee Illustrated Astronomy.

Laakiin markale wuxuu xusayaa: “Farsamo ahaan waxaa jira nooc saddexaad oo ku lug leh laba xiddigood.”

Waa tan sharaxaad ku saabsan saddexda nooc iyo noocyadooda kala duwan:

Qorrax Madoobaad

Mararka qaar, markii Dayaxu uu ku wareego dhulka, wuxuu ku kala gooshaa Qorraxda iyo meeraheenna dhexdooda, isagoo xiraya iftiinka qorraxda taas oo keenaysa qorrax madoobaad. Si kale haddii loo dhigo, Dayaxu wuxuu hooskiisa ku tuuray dhulka dushiisa.

Laakiin waxaa jira saddex nooc oo qorrax madoobaad ah, kuwanna way ku kala duwan yihiin midba midka kale sida – iyo inta – uu dayaxu u daboolo qorraxda.

Qorrax Madoobaad Dhammaystiran

Qorrax madoobaadka dhammaytirani wuxuu dhacaa marka dayaxu kala dhex galo Dhulka iyo qorraxda, iskuna toosiyo si uu u xanibo ileyska qorraxda gebi ahaanba.

Dhowr ilbiriqsi (ama mararka qaarkood xitaa daqiiqado), cirka ayaa mugdi noqda oo u muuqda inuu yahay xilli habeen oo kale ah.

“Qorrax madoobaadka dhammaystiran waxaa kaliya ee uu suuragal ka yahay waa Dhulka, kolka uu isku dhacaasi jiro”: Qorraxdu waxay 400 jeer ka ballaaran tahay Dayaxa, laakiin sidoo kale waxay ka sii fog tahay 400 jeer.

“Joomatirigaas wuxuu ka dhigan yahay in markii si hagaagsan laysu waafajiyo, Dayaxu uu qariyo dhammaan qoraxda, isagoo abuuraya qorrax madoobaad dhammaystrian,” ayay raacisay Nasa.

“Aragti ahaan, qorax madoobaadka ugu dheer wuxuu socon karaa 7 daqiiqo iyo 32 ilbiriqsi,” ayuu raaciyay falanqeeyaha reer Chile ee Beamin.

Marka laga hadlayo soo noqnoqoshada, ma ahan kuwo dhif ah sida aad u maleyn karto: waxaa jira mid dhaca 18kii biloodba mar.

Waxa runti dhif iyo naadir ah in guud ahaan qorrax madoobaadka laga arki karo isla goobtaas, waana wax dhaca celcelis ahaan 375-kii sanoba.

Waxaa jiri doonaqorrax madoobaad dhammaystiran sanadkan 4ta Disembar, laakiin waxaad u baahan doontaa inaad joogto Antarctica si aad u aragto saameyntiisa oo dhan.

Giraan Madoobaad (nooc qorrax madoobaadka ka mid ah)

 

Marka Dayaxu ka sii fog yahay Dhulka oo ay u muuqato inuu “yaryahay”, ma wada dabooli karo dusha qorraxda.

Sidaa darteed xoogaa giraan ah oo qaab-qorraxeed u eg ayaa laga arki karaa Hareeraha Dayaxa, dhacdadaasna waxaa loogu yeedhaa qorrax-madoobaadka bisha u eeg (annular).

10 Juun, habkan qorrax madoobaad ayaa lagu arki doonaa meelaha fog fog ee woqooyiga: qaybo ka mid ah Kanada, Greenland iyo Ruushka ayaa arki doona saamaynta buuxda, laakiin in badan oo ka mid ah Yurub, Badhtamaha Aasiya iyo Shiinaha ayaa arki doona dayax madoobaadka qayb ahaan.

Sida ay sheegtay Nasa, qorraxmadoobaadkaan ayaa ah kuwa ugu dheer, maxaa yeelay faraantiga ayaa la arki karaa in ka badan toban daqiiqo, laakiin guud ahaan ma sii jiraan wax ka badan shan ama lix.

Qorrax Madoobaad isku jir ah.

Beamín wuxuu sharxayaa in qorrax madoobaadka isku jirka ahi uu dhaco “marka Dayaxu uu u jiro qorraxda masaafo uu ku awoodi karo inuu gebi ahaanba qariyo, laakiin, intuu sii socdo, sidii waxa uu egyahay wax marba ka sii fogaanaya dhulka illaa uu isu beddelo qorrax madoobaaka habka bisha oo kale ah. “

Qorrax madoobaadkan loo yaqaan ‘Hybrid eclips’ ayaa aad u yar (oo u dhigma 4% dhammaan qorax madoobaadka kale), sida uu sheegayo Instituto de Astrofísica de Canarias (IAC).

Xogta Nasa waxay muujineysaa in kii ugu dambeysay iuu dhacay 2013, waana inaan sugnaa ilaa 20 Abriil 2023 si aan markhaati uga noqonno tan xigta, oo laga arki doono Indonesia, Australia iyo Papua New Guinea.

DAYAX MADOOBAAD

Dayax madoobaadku waxa uu dhacaa marka Dhulku dhex galo Qorraxda iyo Dayaxa, isagoo xidhaya iftiinka.

Si kale haddii loo dhigo, inta lagu jiro dayax madoobaadka, waxa aan aragno waa hooska Dhulka oo hadheeyey dusha Dayaxa.

Sida hagaha barista IAC uu sharaxayo, “aragtida qorax madoobaadka waxay ku xirantahay juquraafi ahaan meesha uu joogo goobjooguhu. Dayax madoobaadk se, cakisku wuxuu dhacaa: ifafaalaha ayaa laga arkaa meel kasta oo dhulkeenna ah oo Dayaxu ka sarreeyo cirifka waqtiga dayax madoobaadka. “

Waxa kale oo jira saddex nooc oo dayax madoobaad ah.

Dayax Madooobaad Dhammaystiran

 

Inta lagu jiro guud ahaan dayax madoobaadka, Nasa waxa ay ku qeexaysaa, Dayaxa iyo Qorraxdu waxay ku kala sugan yihiin dhinacyada dhulka.Inkasta oo Dayaxu ku jiro hooska dhulka – haddana Nasa ayaa ku dartay – iftiinka qorraxda qaar baa gaadha Dayaxa. “Iftiinka qorraxdana wuxuu dhex maraa jawiga dhulka, kaasoo kala sifeeya inta badan iftiinka buluuga ah – waa sababtaas, inta lagu guda jiro dhacdadan, Dayaxu wuxuu u muuqdaa casaan mararka qaarna loogu yeero “Dayax Dhiig”.

Sida laga soo xigtay IAC, “dhulkeennu wuxuu afar jeer ka weyn yahay dhexroorka dayaxa, hooskiisuna sidoo kale wuu ka sii ballaadhan yahay, sidaa darteed wadarta dayax madoobaadka ayaa socon kara illaa 104 daqiiqo.”

Dayax madoobaadkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 26-kii Maaj, oo sida ugu wanaagsan looga daawaday galbeedka Koonfurta Ameerika, Koonfurta Aasiya, Australia, ama qaybo ka mid ah galbeedka Mareykanka. Haddii aad nasiib wacan leedahay oo cirkuna bannaan yahay – waxaad arki lahayd “Super Flower Full Moon” oo gebi ahaanba madoobaaday illaa 14 daqiiqo.

Dayax badh madoobaad

 

Sida magacaba ka muuqata, dayax madoobaadka qayb ahaan wuxuu dhacaa marka aag Dayaxeed ka mid ahi galo hooska Dhulka.

Waxay ku xidhantahay baaxadda dayax madoobaadka, casaan ama madow – hoos ayaa ka soo muuqan kara aagga madow ee dusha dayaxa.

Tan waxaa u sabab ah farqiga u dhexeeya aagga hadhka leh iyo dusha sare ee dayaxa oo aan hoosku saamayn.

Sida laga soo xigtay Nasa, halka dayax madoobaadka dhammayska ahi yahay ifafaalooyin naadir ah, kuwa qaybta ah waxay dhacaan ugu yaraan laba jeer sanadkii.

Dayax madoobaadka qeybta ah, ayaa la filayaa 18-19 Nofeembar, waxaana laga arki doonaa Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, Australia, iyo qaybo ka mid ah Yurub iyo Aasiya.

Dayax Madoobaadka hoosiiska ah (Binambaraa)

Tani waxay dhacdaa marka Dayaxu uu dhexmaro hooska Dhulka, taas oo ah, kolka ay noqoto qaab hadheedhka aadka daciifka u ah.

Sababtaas awgeed, qorax madoobaadyadan badanaa laguma xuso jadwalka taariikhda loogu talagalay qof kale oo aan ahayn saynisyahan.

XIDDIGO MADOOBAAD

 

Madoobaadka oo dhami kuma lug yeeshaan Qorraxda iyo Dayaxa: Xiddigaha fog ayaa sidoo kale madoobaan kara.

Beamín wuxuu ku sharaxay buugiisa “50% xiddigaha waxay kujiraan nidaam labo ama ka badan ah”. Waxaana dhacda in mararka ay madoobaadaan

OFFICe Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post