519 Views

Al-Shabaab oo tiro hoobiyaal ah ku garaacay degaanka Galgala

Al-Shabaab oo tiro hoobiyaal ah ku garaacay degaanka Galgala
____________________________________________________________________________


Talaado: May 17, 2022

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar hoobiyaal ah ku qaadeen saldhiga ciidamada dowlad doboleedka Puntland ku leeyihiin degaanka Galgala oo ka tirsan Gobolka Bari.

Sida la xaqiijiyay waxaa hoobiyaasha ay Al-Shabaab ku weerareen Saldhiga ciidamada dowlad Goboleedka ku leeyihiin degaanka Galgala ku dhaawacmay Hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Intaasi kadib waxaa la sheegay in Ciidamada difaaca dowlad Goboleedka Puntland ay weerarkaas kaga jawaabay duqayn culus oo lala beegsaday kooxda Al-shabaab inkastoo aan weli faahfaahin rasmi ah laga helin khasaaraha dhankooda gaaaray.

Degaanka Galgala waxa ku sugan cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland gaar ahaan ciidanka loo yaqaan Dhiirranta ee Daraawiishta Puntland, iyagoo dagaal adag kula jiro Ururka Al-shabaab iyo Daaciish oo aggaas ka agdhow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post