261 Views

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo kulankii ugu horreyay oo fool ka fool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo  kulankii ugu horreyay oo fool ka fool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 15, 2022

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa kulankii ugu horreyay oo fool ka fool ah waxa uu la yeeshay dhiggiisa Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Labada Madaxweyne ayaa ku kulmay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia, halkaas oo shaley uu ka furmay Shirka Hoggaamiyeyaasha G20.

Biden iyo Xi Jinping ayaa ka wada hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin arrinta Jaziiradda Taiwain, xiisadda ka taagan Gacanka Korea iyo dagaalka Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa kulanka ka dib waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in dagaal qabow oo cusub uu haatan ka dhex qarxay labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa intii uu kulanku socday waxay kaloo ka wada hadleen duulaanka Ruushka ee Ukraine iyo xiisadda Kuuriyada Waqooyi kala dhaxeysa Kuuriyada Koonfureed, iyadoo uu Shiinuhu xiriir dhow la leeyahay Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

Mareykanka ayaa Shiinaha u arka dal saamayn weyn ku leh Kuuriyada Waqooyi, isla-markaana uu yahay cidda keliya ee uu wax ka dhageysto Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyiga, Kim Jong-un.

Waa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Biden uu la kulmo dhiggiisa Shiinaha, tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post