207 Views

Diyaarado dagaalka ah iyo Maraakiib ay leeyihiin milatariga dalka Shiinaha oo hareereeyay Jaziirada Taiwan ee dowladda Shiinaha

Diyaarado dagaalka ah iyo Maraakiib ay leeyihiin milatariga dalka Shiinaha oo  hareereeyay Jaziirada Taiwan ee dowladda Shiinaha
____________________________________________________________________________

Isniin: DECEMBER 26, 2022

Diyaarado badan oo nuuca dagaalka ah iyo Maraakiib ay leeyihiin milatariga dalka Shiinaha ayaa hareereeyay Jaziirada Taiwan ee dowladda Shiinaha sheegtao in ay katirsan tahay dhul weynaheeda.

War kasoo baxay dowladda Taiwan ayaa lagu sheegay in 71 diyaaradood iyo 7 markab oo kuwa dagaalka oo ay leeyihiin milatariga dalka Shiinaha  ku hareeraysan jasiiradda, waxa ayna diyaaradahan iyo maraakiibta cabsi galiyeen shacabka Taiwan.

Masuuliyiin katirsan dowladda Taiwan ayaa sheegay in Shiinaha kusoo qaaday duullaan aad u weyn, waxa ayna masuuliyiinta Taiwan ku tilmaameen falkan in uu yahay mid daandaansi ah oo Shiinaha ku dhaqaaqayaan.

Dowladda Shiinaha ayaa dhankeeda sheegtay in ciidankooda milatariga ay dhoolotus ka sameenayaan jaziirada Taiwan si ay uga jawaabaan waxa ay ugu yeereen daandaansiga Mareykanka iyo Taipei.

Xiisada u dhaxeysa dowladda Shiinaha iyo Taiwan ayaa meel xun gaartay ,xiili Mareykanka  ansixisay sharciga kharashka difaaca ee oggolaanaya ilaa toban bilyan oo doollar oo gargaar amni ah iyo soo iibsashada hubka ee Taiwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post