1158 Views

Xukun Maanta lagu riday Wariye Cabdi Maalik Coldoon

Xukun Maanta lagu riday Wariye Cabdi Maalik Coldoon
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 08, 2019 —Maanta oo isniin ah ayaa  Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa Soomaaliland waxaa ay Maanta  Go’aan ka gaartay  kiiska dacwadda ah ee loo heystay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

 

Wariye Coldoon ayaa dhawaan Xeer ilaalinta Soomaaliland waxaa ay ku eedeysay in uu ku kacay falal ka hor-imaanaya qaranimada Soomaliland iyo in uu Dugsiga Abaarso ku tilmaamay mid lagu barto waxyaabo ka baxsan Diinta Islaamka

 

Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa ayaa oo Maanta la horkeenay Wariyaha,waxaana ay ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xabsi ah,sida uu sheegay guddoomiyaha Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa.

 

Wariye Cabdi Maalik coldoon ayaa dhowr bilood u xiran Soomaaliland,waxaana xarigiisa uu yahay mid soo lab laabtay, iyada oo Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ay hadda ka hor ku xukuntay Xabsi lix bilood ah wallow markii dambe cafis Madaxweyne lagu siidaayay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment